Xiddigii hore qadka dhexe ee kooxda Newcastle United Cheick Tiote ayaa geeriyooday shalay isagoo tababar ku qaadanayey magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.
Xiddigan muslimka ahaa ee xulka qaranka Ivory Coast ayaa u dhaqaaday bishii Febraayo dalka Shiinaha, isagoo ku biiray kooxda Beijing Enterprises.
Waxaa la fahansan yahay in xiddigan muslinka ah uu wadnahu istaagay oo shaqada joojiyey, isla markaana uu ku dhacay xarunta tababarka kooxda maadaama uu soomanaa.
Cheick Tiote waxa uu ku guuriyooday da’da 30 sano, waxaana uu istaaga ka faniinay isagoo ku sugan xarunta kooxdiisa Shiinaha.
Waxaa Tiote loola cararay isbitaalka si xaaladdiisa wax looga qabto, laakiin halkaas ayuu ugu dambayntii ku geeriyooday, waxaana dhimashada xiddigan muslimka ah xaqiijiyey wakiilkiisa.
Tiote ayaa xarfaddiisa heerka sare ahayd ee kubadda cagta ka bilaabay kooxda Anderlecht, ka hor inta uusan labo sanadood u soo ciyaarin naadiga FC Twente intii u dhaxaysay sanadihii 2008 iyo 2010.



