Dagaalkaan oo gesytay khasaare Dhaawacyo ah ayaa Xalay ka dhacay Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.
Sida wararku Sheegayaan Dagaalka ayaa udhaxeeyay Laba kamid ah Beelaha Degaankaasi, Kuwaasi oo la sheegay in ay kala Taabacsan yihiin Maamullada Ahlusunna iyo Galmudug.
Inta la Hubo Dagaalkaas waxaa ku Dhaawacmay Laba Ruux oo la sheegay in ay Ahaayeen Maleeshiyaadkii Dagaalamay.
Axmed Macalin oo kamid ah Dadka Degaanka Xeraale ayaa Qadka Taleefanka Risaala ugu sheegay in aan la ogayn Waxa uu salka ku Hayo Dagaalka, Balse waxa uu xaqiijiyay in Dagaalka uu ahaa Mid Xoogan oo Socday Muddo Saacad ah.
Wariye Cumar Laki Man oo ku sugan Magaalada Caabudwaaq ayaa Warbixintaan soo Diray.


