Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar saakay ka dhacay Hotelka Agan ee magaalada Kismayo ee ay geysteen ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa falkaasi ku tilmaamey mid la doonayo in lagu huriyo dagaal sokeeye oo dhex mara shacabka walaalaha ah ee deegaanada Jubaland.
Wasiirka ayaa uga tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday Weerarka uu geystay Madaxweynaha Wakhtigiisa dhamaaday ee Axmed Madoobe,wasiirka ayaa sidoo kale Weerarkan ku tilmaamay mid Argagixiso” marka koowaad waxaan u tacsiyeynayaa dadkii ku naf waayay falkii Argagixisada ahaa ee uu saaka Weerarka ku qaaday Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday Axmed Madoobe dadkii deganaa Hotel Agan ee magaalada Kismaanyo,weerarkaas wuxuu ahaa mid arxan darro ah” ayuu yiri Wasiirka Amniga.



