ATMIS oo war ka soo saartay khilaafka DFS iyo Maamulka Jubland

Howlgalka Ciidamada midawga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shaaciyay inuu dhexdhexaad ka yahay khilaafka siyaasadda Soomaaliya, isagoo ku baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka Doorashooyinka Jubbaland.
Qoraal kasoo baxay ATMIS ayaa jawaab u ahaa Warar ay baahiyeen Warbaahinta oo ku saabsan in Booliska ATMIS ay qeyb ka yihiin Doorashada Axmed Madoobe.
Inkastoo aan Qoraalka ATMIS lag Beenin arrintaasi, haddana waxaa lagu sheegay inay ATMIS ka walaacsan tahay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Jubbaland.