Ciidanka Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo weerar ku qaaday deegaanno ay ku dhuumaaleystaan argagaxisada ayaa horjooge Cabdullaahi Maxamuud Odowaa (Faadhuud) 57 jir Khawaarijta u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Zakawaadka kuna biiray 2009-kii ku dilay deegaanka Tawakal
Faarax Ismaan Raage iyo Jacfar Axmed Dhuxul oo Ciidanka ka tirsan ayaa goob ay maamulaan Al-shabaab kusoo dhex dilay horjoogahaan oo aad looga yaqaanay deegaanka islamarkaana dhibaato farabadan ku hayay shacabka.
Ugaarsiga horjoogayaasha Al-shabaab ku sugan Shabeellaha Dhexe ayaa aad u xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay.



