Xeerka Axsaabta oo maanta laga doodaayo

Baarlamaanka dowladda  federaalka Soomaaliya ayaa manta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan Muqdisho gaar ahaan xarunta golaha shacabka.

Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya  Hindise Sharciyeedka Xeerka Axsaabta Dalka oo maanta maraya akhrintiisii 2-aad,  iyadoo  uu goobjoog  ka noqon doono  gudoomiyaha baarlmaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari.

Sharciga asxaabta ayaa waxa uu yahay mid muhiim ah ,waxaana dhowr jeer Axsaabta Dalka ka jirta ay codsadeen in la meel mariyo.