Guddiga Dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shacabka ugu baaqay in ay aragtidooda ka dhiibtaan qodobada dastuurka dalka.
Gudoomiyaha guddiga dastuurka baarlamaanka Soomaaliya xilidhibaanad Maryan Cariif oo ka hadashay kulan looga hadlayey arimaha dastuurka oo lagu qabtay Muqdisho waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan hormarinta iyo wax ka badalka dastuurka ayna soo gudbiyaan fikradaha wax dhisaaya.
Xilidhibanada ayaa sheegay in ay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed aragti ku yeeshaan wax ka badalka dastuurka.
Maryan Cariif sidoo kale sheegtay in loo baahanyahay maamul goboleedyada ay ka qeyb qaataan hormarinta dastuurka dalka.


