Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuwait iyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiinta Safaaradda ayaa Xalay saqdii dhexe garoonka Dayuuradaha ee Caasimada Kuwait ku soo dhaweeyay 15 Xeer Ilaaliye, oo tababar xagga Garsoorka ah ku qaadan doona Machadka Tababarrada Adeegga Garsoorka ee Dalka Kuwait.
Qabsoomidda Tababarkan waxaa si wadajir ah isaga kaashanaya Safaaradda Jamhuriyadda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Kuwait, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Cadaaladda ee Dalka Kuwait.
15-ka Xeer Ilaaliye ayaa ah kuwo laga soo xulay dhammaan Gobollada Dalka, iyadoo ay ka mid yihiin Gabdhon., waxaana howshaasi ka mira dhallinteeda dadaal badan u galay Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait, wuxuna sheegay in ay ahmiyad weyn siinayan tayaynta Adeegga Garsoorka, taasina ay qeyb ka tahay Siyaasadda Guud ee Dowladda.
Tababarkaasi ayaa lagu wadaa in uu socon doono muddo laba usbuuc ah, iyadoo Wasaaradda Cadaaladda Kuwait ay diyaar u tahay in ay dhiggeeda Soomaaliya ka gacan siiso xagga farsamada iyo Tababarada Saraakiisha Garsoorka.



