Michael Keating oo la kulmay Guddiga Xalinta Khilaafaadka

Muqdisho-RisaalaFM- Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Danjire Michael keating ayaa kulan Magaalada Muqdisho kula yeeshay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ee Dalka.

Labada dhinac ayaa yeeshay kulan saacado badan qaatay oo lagu gorfeeyay arrimaha la xiriira Doorashooyinka iyo Hannaanka ay u socdaan Doorashooyinka.

Kualanka ayaa si gaar waxaa looga hadlay 11-ka kursi ee ay dhowaan laaleen Guddiga Xlinta Khilaafaadka, kuwaas oo laga soo doortay Degaan Doorashooyinka Dalka.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa sheegay 11-ka kursi ee ay diideen in ay yihiin kuwo lagu shubtay, sidoo kalena la musuq maasuqay Musharaxiintii tartami lahayed iyo Ergooyinkii wax dooran laheyd.

Ilaa iyo hada ma jirto natiijo la taaban karo oo ka soo baxday kulanka ay yeesheen Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Danjire Michael keating iyo Guddiga Xlinta Khilaafaadka.

War saxaafadeed ay shalay si wadajir ah u soo saareen Maamulada Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxa ay uga soo horjeesteen go’aanka ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee ku aadan in dib loogu laabto Doorashadooda 11- xubnood oo lagu soo doortay Degaan Doorashooyinka Dalka.