Taliye Jaamac Saxardiid oo dhaawicii soo gaaray u geeryoodey

Boosaaso-RisaalaFM- Wararka inaga so gaaraya Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan saakay in uu geeryoodey Taliye ku xigeenka 3-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, kadib markii shalay Magaaladaasi ay ku dhaawaceen kooxo hubeysan.

Taliye ku xigeenka 3-aad ee Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa lagu magacaabaa Jaamac Saxardiid Cabdi, waxaana la sheegay saakay in uu ku geeryoodey Isbitaal ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Puntland General C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa waxa uu sheegay in la aqoonsaday cidii ka dambeysay dhaawicii loo geystay Taliye ku xigeenkii Saddexaad ee Ciidanka Booliska Puntland Jaamac Saxardiid Cabdi, oo saakay u geeryoodey dhaawicii soo gaaray.

General C/qaadir Shire Faarax (Erag) Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay dhowaan in ay gacanta ku soo dhigi doonaan raggan, sidoo kalena ay soo bandhigi doonaan.

Laamaha Amniga ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyay falkan.