Maxaa ka soo baxay Kulanka dhexmaray R/wasaaraha iyo Madaxweyne Gaas ?

Muqdisho-RisaalaFM- Warar ay heshay Idaacadda Risaala ayaa sheegaya xalay in Magaalada Muqdisho ay kulan gaar ah ku yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa horey Muqdisho u joogay, Ra’iisul Wasaaraha oo safar hal maalin ah Imaaraadka ugu maqnaa ayaa dib Dalka ugu soo laabtay, halka Madaxweynaha Puntland uu shalay Magaalada Muqdisho soo gaaray.

Kulanka oo mudo saacado ah qaatay ayaa waxa ay kaga hadleen wada hadalada Madasha Wadatashiga Qaran ee ka furmaya Magaalada Muqdisho iyo arrimo kale oo la xiriira jadwalka Doorashada.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay arrimaha ku saleysan Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo ilaa hada aan la soo dooran, muran badana uu ka taagan yahay.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Camey oo horay u joogay Muqdisho ayaa wafdiga Madaxweyne Gaas faah faahin ka siiyey xaaladdaha kala duwan ee la soo maray iyo ilaa hadda in aysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray arrimaha Doorashada.

Sidoo kale qorshaha Doorashada Soomaaliya ay ka leedahay Puntland ayaa ka mid ah arrimaha laga wada hadlay iyo sidii Hogaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada kale loola kaashan lahaa loona arki lahaa fikradaha ay qabaan.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa si gaar ah ula kulmi doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, isagoo kala hadli doona arrimo la xiriira Doorashada Soomaaliya iyo is qab qabsiga xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.