DAAWO SAWIRADA: Abaarta ka jirta Puntland oo sii xoogeysatay

Waxaa sii xoogeysatay Abaarta ka jirta Degaanada Maamulka Puntland, waxaana xaalad adag ay soo wajahday dadka iyo duunyada ku nool halkaasi.

Abaarta ayaa si daran waxa ay u saameysay dadka iyo duunyada ku nool Degaanada baadiyaha ah, sida ay muujinayaan Muuqaalo iyo sawiro laga soo qaaday.

Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ayaa horey u sheegay in ka badan 2.5 Malyan oo qof biyo la’aan iyo gaajo in ay u dhimanayaan, haddii aysan helin gar gaarka Eebbe iyo kan walaalahooda Soomaaliyeed.

Sawirrada ayaa sidoo kale waxa ay muujinayaan xaaladda oo ka sii daraysa, qoysaska xoolihii ay ka dhinteen oo aan awoodin in ay soo gaaran Magaalada.

 

1w 2w 3w 4w 5w 6w 7w 8w