Midowga Yurub oo xoojinaya Howlgalka Soomaaliya

Xubnaha Midowga Yurub ayaa isku raacay in mudo sanad ah ay ku kordhiyaan Howlgalka Soomaaliya ay ka wadaan, 31-da December ilaa 2018-ka, kadib kulan ka dhacay Magaalada Brussels.

Waxa ay sheegeen in ay mudo kordhin ku sameeyeen Amniga iyo Howlaha Tababarka ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay sheegeen in mar walba ay Dowladda Federaalka ka taageeri doonaan sidii ay gacmaheeda ugu istaagi laheyd.

Midowga Yurub ayaa sheegay ujeedka ay u kordhiyeen Howlgalka Soomaaliya in ay yihiin sidii loo xoojin lahaa howlgalada amaanka Badda Soomaaliya iyo cirib tirida burcad badeedka xeebaha  Soomaliya.

Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa loo qoondeeyay in ay ku baxdo lacag dhan 11.6 Million oo EURO, waxaana ay kaalin weyn ka qaadan doonaan dhisida Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Howlgalka EUTM oo markii ugu horreysay la hirgeliyay bishii Feberaayo ee sanadkii 2010 ayaa lagu tababaray ku dhowaad 3 kun oo Askar Soomaaliyeed ah.