Muqdisho-RisaalaFM- Dr. Axmed Cali Daahir oo ah Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka AMISOM ay kala xisaabtamayaan tacadiga kala duwan ee ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed.
Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa waxa uu sheegay AMISOM dalka in aysan xoog ku joogin balse ay ku joogaan heshiis dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.
Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale waxa uu sheegay tacadi kasta oo ay geystaan Ciidanka AMISOM in lagala xisaabtamayo, isagoo intaasi ku daray ciqaabta ay la kulmaan Askarta AMISOM in ay tahay mid ay shaqada ku waayaan.
Waxa uu sheegay xukunada kala duwan ee Ciidamada AMISOM ay la kulmaan inaysan qaadin maxkamadaha Soomaaliya, balse ay jiraan Maxkamado gaar ah oo la saaro Ciidamada AMISOM oo lagula xisaabtamo tacadiga ay geystaan.


