Baay-RisaalaFM- Gudoomiyaha Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay Xasan Wardheer Xuseen ayaa waxa uu sheegay in ururka Al-shabaab ay dhibaato u geystaan dadka shacabka ah ee ku nool Degaano ka tirsan Gobolka Baay.
Waxa uu sheegay Shabaabka dadka shacabka ah in ay ka qaadaan xoolaha ay u yaqaanaan Zakawaadka, islamarkaana ay hanjabaad iyo jirdil isugu daraan.
Xasan Wardheer Xuseen Gudoomiyaha Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ayaa sidoo kale waxa uu shacabka ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan Dagaal ka dhan ah Shabaab.
Waxaa isa soo taraya eedeymaha loo jeedinayo ururka Shabaab, ee ku aadan in ay dhibaato u geystaan dadka reer miyiga ah ee ku nool Gobolada Dalka.


