Macheal Carrick Oo Waqti Dheer Sii Joogaya Old Trafford

Xidiga kooxda Manchester United Meachel Carrick ayaa xubin muhiim ah ka noqday kooxda uu hogaamiyo tababare Jose Morinho waxa hadda laga yaaba in loo kordhiyo heshiiska uu Old Trafford ku joogo.

35-sano jirkan ayaana hada u muuqada mid qanciyay Jose, waxa uuna kusoo bilaabanayay kulamadii ugu danbeyay ay kooxdiisa ciyaarto.

Jose Mourinho horay ma uusan u isticmaalin Carrick kulamadii hore ee xilli ciyaaaredkan, balse Carrick aya hada boos joogta ah ka heysta Red Devils.

Iyadoona hadda ay qab ciyaared wanagsan kui jirto, tababaraha reer Portugal ee Jose ayaana ugu danbeyn fahmay qiimaha xiddigii hore ee England iyo kooxda United ee Macheal Carrick.