Chelsea Oo Durba Heshay Bedelka Oscar- Waa Kuma?

Chelsea ayaa si xoogan lola xiriirinaya xidiga qadka dhexe ee Monaco Djibril Sidibe kasoo ay u aragto kooxda Chelsea dooqa koowaad ee bedelka Oscar oo lagu wado inuu tago bisha January.

Sidibe oo 24-jir ah, ayaa ka ciyaari kara daafaca buuxa iyo labada garab, waxaana sidoo kale xidigan doondooneysay kooxda Arsene Wenger ee Arsenal xagaagan.

Chelsea ayaa sidoo kale isha la raaceysa xidiga ay isku kooxda yihiin Sidibe ee Tiemoue Bakayoko.

Daafacan, ayaa u saftay lix jeer qaranka France, waxa uuna sheegay In bishii October ay dooneysay Gunners balse uu iska diiday inuu u dhaqaaqo Arsenal oo markaa suuqa ka raadineysay daafac garabka bidix ka ciyaara.