Soomaaliya iyo Pakistan oo Adkeynaya Xiriirka iyo Iskaashiga laba Geesoodka ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Pakistan ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, kaddib kulan ay yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimaha bulshada, iyadoo labada dhinac ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga ku saleysan danaha labada dal.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga go’an tahay inay sii ballaariyaan iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan, si loo horumariyo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal.