DHAGEYSO: Cabsi laga muujiyay dib u dhac markale ku yimaada Doorashada Madaxweynaha

Muqdisho-RisaalaFM- Dib u dhac hor leh ayaa laga cabsi qabaa in uu ku yimaado Jadwalka Doorashada Soomaaliya, iyadoo weli aan la dhaarin xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashadii xubnaha Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ee ka socotay Magaalada Muqdisho ayaa hakad ku jirta, kadib markii Guddiga Doorashooyinka ay amreen in la joojiyo.

Siyaasiyiinta qaar ayaa muujinaya walaaca ku aadan dib udhaca Doorashada, maadaama Jadwalka loo balamay Doorashada Soomaaliya in ay ku qabsoonto ay ka harsan tahay mudo kooban.

Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ayaa waxaa ka harsan wax ka yar hal isbuuc, waxaana hada muuqda in aysan socon qaban qaabada ku aadan Doorashadaasi.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa dhiibtay aragtidooda ku aadan Doorashada Soomaaliya ee ku socota gaabiska.

Dhowr mar ayaa waxaa dib u dhac uu ku yimid Doorashada Soomaaliya, waxaana laga cabsi qabaa in Doorashada ay cagaha la gasho sanadka cusub ee dhalan doona.