Xaalada magaalada Dhuuso Mareeb oo saakay degan

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa saakay waxa ay sheegayaan in magaalada saakay jawigeeda uu dagan yahay kadib markii shalay uu halkaasi ka dhacay dagaal ayna ku dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunah iyo waliba ciidamo hubeysan oo uu hogaamiyo sarkaal sare oo horay uga tirsanaa dawladda.

Dagaalka ayaa soo gaba gaboobay isla shalay gelinkii dambe markii ciidamada Ahlu Sunaha ay u suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan sarkaalkii ay la dagaalamayeen.

Dagaalka halkaasi ka dhashay ayaa geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo garay dadka rayidka ah ee halkaasi ku sugnaa.

Xaalada magaalada Dhuuso Mareeb  ayaa saakay ah mid degan oo dadkii halkaasi ka barakacay ay dib ugu soo laabteen guryahooda.