DHAGEYSO: Ra’iisul Wasaaraha oo maanta hortagaya golaha baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta markale hortagaya golaha baarlamaanka waxaana xildhibaanada ay wax ka weydiinayaan arimaha amaanka si la mid ah sidii shalay.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaraha in markale maanta uu hortagayo golaha baaralamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Saraakiisha amaanka qaarkood ayaa shalay hortagay golaha baarlamaanka waxaana shirka uu ahaa mid ay albaabada u xiran yihii oo saxaafada dibad joog ka ahayd.