Xaalada Deegaanka Yurkud oo caawa dagan

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Yurkud ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaalada deegaanka ay dagan tahay caawa.

Deegaanka Yurkud ayaa maanta waxaa ka dhacay qarax miino oo lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidanka Itoobiya.

Qaraxan oo ahaa miino ayaa la sheegayaa inuu qabsaday mid ka mid ah kolonyo gaadiid oo ay wateen ciidamada Itoobiya, waxaana la sheegayaa inuu halkaasi ka dhashay Khasaare.

warbaahinta Al Shabab waxa ay baahisay in ugu yaraan 1 gaari looga gubay qaraxasi ciidamada Itoobiya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa sheegay inuu jiro qaraxaasi oo maanta barqadii ciidamada Itoobiya lala eegtay, hayeeshe aysan aqoon Khasaaraha ka dhashay.