Eden Hazard ayaa sheegay in uu yahay “99 boqolkiiba mid huba inuu sii joogayo kooxda Chelsea xilli ciyaareedka soo socda.
Kabtanka xulka Belgium ayaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo Stamford Bridge sanadkii la soo dhaafay, iyadoo Real Madrid iyo Paris Saint-Germain la rumaysnaa in ay tartan ugu jireen ciyaaryahanka garabka ka ciyaara.
Hal sano ka dib markii loo magacaabay laacibka sanadka PFA, Hazard ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu xumaa ku qaaday kooxdiisa isagoo dhaliyay kaliya afar gool oo horyaalka ah.
Tababaraha cusub ee Chelsea Conte ayaa la rumeysan yahay inuu kja dhaadhiciyay xidigaan inuu sii joogo kooxda xili ciyaareedka soosocda si wadada guulaha dib ay ugu soo laabato kooxda Chelsea.


