Wasiirka dhaqanka ee Ruushka, Olga Lyubimova, ayaa noqday Wasiirkii ugu horeeyay ee Cudurka Corona Virus laga helay dalka ruushka.
Wakaalada Wararka ee dalka Ruushka ayaa sheegtay in Wasiirka maanta laga xaqiijiyay Cudurka.
“Lyubimova waxay leedahay astaamo khafiif ah waxayna sii wadaysaa inay si fog uga shaqeyso, iyadoo kulammo ku qabaneysa khadka internetka”, ayay tiri xoghayaha saxaafadda Anna Usacheva, sida laga soo xigtay TASS.
In ka badan 3.6 milyan oo dad ah oo ku nool daafaha dunida ayaa lagu xaqiijiyey cudurka ‘coronavirus’ illaa iyo hadda, ku dhawaad 257,000 ayaa ku dhintey, sida laga soo xigtay xogta ay soo aruurisay Jaamacadda Johns Hopkins. Ku dhawaad 1.2 milyan oo qof ayaa soo kabsaday.



