Shiinaha ayaa ku gacan seyray Mareykanka ka dib sheegashadii xoghayihii arrimaha dibadda Mike Pompeo in coronavirus-ka cusub uu ka yimid shaybaar ku yaal Wuhan, isagoo leh ma hayo wax caddeyn ah.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dabada ka riixaya howlgalka hogaaminaya jawaabta coronavirus ee wadanka xitaa iyadoo xogta ay muujineyso in kabadan 71,000 oo Mareykan ah ay u dhinteen COVID-19 halka in kabadan 1.2 milyan laga helay cudurka.
Boqortooyada Ingiriiska ayaa hadda leh tirada ugu badan ee dadka ku dhinta Yurub iyada oo kiisaska ay si dhakhso ah ugu kacaan Russia, kuwaas oo soo sheegay in kabadan 10,000 oo kiis maalintii afaraad oo isku xigta.
In ka badan 3.6 milyan oo dad ah oo ku nool daafaha dunida ayaa lagu xaqiijiyey cudurka ‘coronavirus’ illaa iyo hadda, ku dhawaad 257,000 ayaa ku dhintey, sida laga soo xigtay xogta ay soo aruurisay Jaamacadda Johns Hopkins. Ku dhawaad 1.2 milyan oo qof ayaa soo kabsaday.
Ra’iisal wasarihii hore ee dalka Ingiriiska Theresa May, ayaa madaxda caalamka ku caambaaraysay “inay ka gaabiyeen la tacaalidda” cudurka safmarka ee coronavirus.
Waxa ay ka digtay in iskaashi la’aanta wadamada caalamka ay horseedi karto khatar weyn.
Khabiir dadaal ugu jiray helidda daawada cudurka safmarka ee coronavirus ayaa lagu toogtay dalka Maraykanka, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Maraykanka.
Bing Liu, khabiir dhanka baaritaannada daawooyinka u qaabilsanaa Jaamacadda Pittsburgh ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaala Ross Township, Waqooyiga Pittsburgh.



