Krystian Bielik ayaa Amaah kaga tagi doona kooxda Arsenal marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda bisha Janaayo.
Tababare Arsene Wenger ayaa qiray inuu ka fiirsanayo xaalada ciyaaryahanka reer Poland kaasoo hadda diyaar u ah inuu u ciyaaro kooxda koowaad ee Gunners.
Bielik, oo 18 jir ah, ayaa kaliya labo kulan usaftay kooxda koowaad ee Gunners tan iyo markii uu kooxda kusoo biiray bishii January 2015.
Ciyaaryahanka da’da yar ayaa boosas badan ka ciyaaara, waxaana uu awoodaa inuu ka ciyaaro labada boos ee khadka dhexe ama daafaca dhexe.
kulankiisii ugu horeyay ee League Cup ayuu wajahay Sheffield Wednesday xilli ciyaareedkii hore ka hor inta uusan kasoo muuqan markale kulankii Nottingham Forest ee isla tartankaan bishii la soo dhaafay.


