Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmo katirsan Gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya degmada Balanballe ee Gobolka ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay ka geysteen degmadaas weerar sababay khasaaro isugy jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in maleeshiyaadka hubeysan oo xoolo dhaqato ahaa ay weerarkaas ku dileen hal Ruux halka mid kale ay ku dhaawaceen, dadkas oo dhamaantood ahaa Shacab.

Falkan ayaa waxaa lala xiriiranayaa dilal aanooyin qabiil ah oo waayadii dambe ka socday degaano katirsan Galmudug, iyada oo Madaxda iyo laamaha Amniga Galmudug ay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan.

Ciidamada Ammaanka degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud oo ku baxay ayaa iyana maleeshiyaadka ka dilay hal Ruux, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay ku raad joogaan weli maleeshiyaadkaas.

Lamaha Amniga degmada Ballanbale ee Gobolka Galgaduud ayaan weli ka hadlin weerarka ka dhacay degmadaas, hayeeshee Shantii sano ee la soo dhaafay ayaa degaannada Galmudug waxaa ka jiray colaad Beeleedyo soo laab laabtay.