Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Ciidamo Boolis ah oo aad u farabadan waxaa ay u dirtay Aaga degaanka Biyo-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku dagaalameen laba maleeshiyo Beeleed.
Ciidamadan oo ka baxay Magaalada Muqdisho ayaa wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana loogu talo galay inay kala dhex-galaan labada maleeshiyo Beeleed ee dagaalamay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Ciidamada ku amray inay ka hortagaan cid kasta oo colaada hurineysa, si Bulshada degaannada lagu dagaalamay ay nabad ugu wada noolaadam.
Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay waan waan ku dayeen dhinacyada dagaalamay, hayeeshee xal loo waayay, balse hadda wixii ka dambeeya tallaaba cad laga qaadi doono cid kasta oo qeyb ka noqota colaad Beeleedyada.
Degaano iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal beeleedyo soo laab laabtay, kuwaas oo Maamulka Hir-Shabeelle uu ku guuldareystay in uu waxka qabto.



