Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Guud ahaan dalka ka xoreyn doono Al-Shabaab

Iyada oo meelo kamid ah dalka ay weli ka socdaan howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa dowladda Soomaaliya ay faah faahin ka bixisay guulaha laga gaaray howlgalladaas iyo qorshaha sii socoshada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

La taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa sheegay in dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab guulo waawyen laga gaaray, isla markaana laga xorreeyay meelo badan ay gacnata ku hayeen.

Wuxuu sheegay in howlgallada sidoo kale khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isaga oo balan qaaday inay sii socon doonaan howlgallada ilaa guud ahaan dalka laga saaro Al-Shabaab.

Hadalka La taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa kusoo aadaya xilli weli meelo badan oo dalka ah ay maamulaan Al-Shabaab isla markaana mararka qaar ay weeraraan Saldhigyada Ciidamada dowladda Soomaaliya