Wararka naga soo gaaraya degaanka Yurkud oo hoos yimaada degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay jidka u galeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo kusoo jeeday degmada Luuq.
Askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkaasi.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo maraayay degaanka Yurkud ,islamarkaana ay dileen 3 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan Weerarka Al-Shabaab ay sheegayaan in ay ku qaadeen ciidanka dowladda ee maraayay degaanka Yurkud.


