Faah faahino dheeraad ah aaya waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ku dhex-maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen Gadiid ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo marayay degaanka Warmaxan oo hoostaga degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kale uu jiro khasaaro ka dhashay, isla markaana intii uu dagaalka socday uu istaagay isku socodka dadka iyo Gadiidka ee wadada xiriirisa degmooyinka Afgooye & Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose..
Dhinaca kale Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay Saddex Askari, laba kale lagu dhaawacay, isla markaana lagu qabsaday hub ay wateen Ciidamada dowladda.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose weli kama hadlin weerarka ka dhacay agagaarka degaanka Warmaxan, hayeeshee dhowr jeer ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda & Al-Shabaab degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose..