Weerar ka dhacay Magaalada Garoowe & faah faahin laga helayo

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhiga bartmaha ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan 30 Daqiiqo socday.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas,waxaana warar la helayo ay sheegayaan in ragga Saldhiga weeraray ay ahaayeen rag ka ganacsada Jaadka( qaadka),kuwaas oo jaad ay lahaayeen ay Ciidamada Booliska Magaalada Garoowe la wareegeen.

Ilaa iyo hadda weli lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka Magaalada Garoowe ku dhex-maray Ciidamada Booliska Puntland iyo maleeshiyaadka hubeysan,waxaana saraakiisha Ciidamada qaarkood ay Warbaahinta u sheegeen inay iska difaaceen Kooxihii weerarka kusoo qaaday Sldhiga.

Qaar kamid ah Bulshada ku nool Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegeen inay xalay cabsi soo wajahda,kadib markii uu dagaalka ka dhacay Magaalada ,hayeeshee balse saaka xaaladu ay tahay mid degan.

Laamaha Ammaanka Magaalada Garoowe iyo kuwa Puntland weli si faah faahsan ugama hadlin weerarka lagu qaaday Saldhiga bartamaha ee Magaalada Garoowe,balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay ka hadlaan.