Ganacsade lagu dilay Magaalada Muqdisho

Rag hubeysan ayaa waxaa ay xalay Xaafada Banaadir oo ka tirsan degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku dileen Nin Ganacsade ahaa caana ka ahaa Magaalada muqdisho,iyaga oo goobta ka baxsaday.

Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cali Maxmauud Carab( Cali Barqadle ayaa waxaa dilkisa kasoo baxaya warar kala duwan,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in rag ku labisan dareeska Ciidanka dowladda ay dileen,kadibna ay ka qaateen Mobile uu watay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ninka la dilay oo ka Ganacsan jiray soo dejinta Gaadiidka noocyadiisa kala duwan uu marn dhex-aray,isaga oo iyo Kooxda burcada aheyd,sial markaana ay dhowr xabadood ku dhifteen.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo Ehelladiisa ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay,iyaga oo goobta ka qaaday meydka,waxaana ay Ciidamada sameeyeen howlgal aan weli wax dad ah lagu qaban.

Maamulka degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir kama hadlin dilka Ninka Ganacsadaha ahaa loogu geystay Gudaha degmadaas,hayeeshee Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ka tacsiyadeysay dilka,iyada oo sheegtay in uu ahaa Nin degan oo wax badan u soo joogay xaalada dalka.