Weerar caawa ka dhacay Beledweyne & khasaaro ka dhashay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in weerar bambaano oo khasaaro dhaliyay Caawa lagu qaaday Bar-koontool  Ciidamada Ammaanka ku leeyihiin halkaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in hal ruux uu ku dhaawacmay weerarkaas oo ka dhacay Barta Koontorool oo Ciidamada Ammaanka ku leeyihiin  Xaafada Buunda-weyn ee Magaalada Beledweyne.

Sidoo kale waxaa wararka sheegayaan in weerarka bambaano kadib ay Ciidamada fureen rasaas farabadan, taas oo la sheegay in aysan geeysan wax khasaaro ah.

Dhanka Ciidamada Dowladda ayaa howgalo ka bilaabay  Xaafada Buundoweyn, kaas oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay weerarka bambaano, balse la sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin cid lagu qabtay howlgalka.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kamid tahay meelaha loo asteeyay in lagu qabto doorashada Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.