Ciyaaryahankii hore ee xulka Faransiiska oo geeriyooday

Ciyaaryahankii hore ee xulka Faransiiska iyo kooxda PSG Jean-Pierre Adams, oo geeriyooday ‘isagoo oo 73 sano jir ah.

Jean-pierre Admas ayaa muddo 39 sano
Koomo ku jiray,ka dib markii isbitaalka la geeyay si qalliin jilibka ah uu u maro bishii Marso 1982 ,laakiin marna miyirkiisa dib uma soo noqon ka dib markii si qaldan loo isticmaalay dawadii suuxdinta.

Wuxuu ku dhashay Senegal, daafacaan wuxuu u saftay Nice in ka badan 140 kulan isagoo sidoo kale u soo ciyaaray Paris St-Germain.

Bayaan ay soo saartay kooxda PSG waxay ku sheegtay Adams in uu geeriyooday asiga oo ku jira Hospital la dhigay muddo 39 sano ka hor.