Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida ee dalka.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta amniga dalka, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, amniga doorashooyinka iyo dardargelinta howlgallada dagaallanka argagixisada.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ee BFS Mudane Cabdiweli Ibraahim Sh.Muuddey.
Gelinkii dambe ee Maanta ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu la kulmay Agaasimaha Kumeel gaarka ah ee Hay’adda NISA, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir.