Rooble oo Maxkamadda Ciidamada Amray baaritaanka Kiiska Ikraan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.

Kulankaan uu Ra’iisul Wasaare Rooble la yeeshay Saraakiisha Hay’adaha Amniga ayaa kusoo aadaya xilli Rooble uu shaqa joojin ku sameeyay Agaasimihii Hay’adda NISA, hayeeshee lagu diiday qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.