Ra’iisul Wasaaraha Xumuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaannada Deefow iyo Kabxanley ee gobolka Hiiraan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay madaxda dowlad-goboleedka Hirshabeelle, nabad doonnada iyo waxgaradka gobolka in ay kaalin ka qaataan joojinta iyo xal u helista colaaddaas.
Dagaalkii ugu dambeeyay ee Maanta ka dhacay deegaannada Deefow iyo Kabxanley ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku dhintay ilaa 5 Ruux halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaannada Deefow iyo Kabxanley ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacayay dilal aargoosi qabiil ah, kaas oo isku bedelay dagaal toos ah.