Wasiirka Maaliyada oo qaabilay wafdi ka socday Baanka adduunka

Wafdigaan oo ka socday Bangiga Aduunka ayaa kulan la qaatay Wasiirka Maaliyaadda XFS Mudane C/Raxmaan Ducaale iyagoona ka wada hadlay arimo ku saabsan horumarka Maaliyadda Dalka.

Masuuliyiinta Wafdiga hogaaminaysay ayaa kala ahaa Mr Niraj Verma oo ah wakiilka Bangiga Aduunka ee Bariga Afrika, Mr Hugh Riddle oo isna ah Wakiilka Soomaaliya ee B.Aduunka iyo Xubno kale.

Wasiirka Maaliyadda Beyle ayaa sheegay in ay ka wada hadleen madaxda Bangiga Aduunka arrimo badan oo ay ka midyihiin hanaanka maamulka Maaliyadda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.

“Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay Wafdi ka socda Bangiga Aduunka oo uu hogaaminayay Mr Niraj Verma oo ah wakiilka Bangiga Aduunka ee Bariga Afrika, Mr Hugh Riddle oo isna ah Wakiilka Soomaaliya ee B.Aduunka iyo Xubno kale, Waxaan ka wada hadalnay arimo badan oo ay ka midyihiin guulaha aan ka gaarnay hanaanka maamulka Maaliyada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Bangiga Adduunka ayaa ah saaxiib in badan ka caawiya Soomaaliya dhinacyo badan oo ay ugu horeyso taageerada Dowladda Soomaaliya.