Qaar kamid ah dadka ku nool xaafada Waxar Cadde ee Degmada Hilwaa ayaa sheegay in lagu hayo dhul boob baahsan, xili ay heystaan sharciyo muujinaya in dhulkaasi ay iyagu leeyihiin.
Waxa ay sheegeen in dadka dhulka ka boobaya ay gadaal ka taaganyihiin saraakiil ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya oo shaarka ciidamada ku difaacaya dadka dhul boobka wada.
Dadkaanai ayaa waxa ay ku doodayaan in xitaa gudoomiyaha gobolka Banaadir Eng. Yariisoow uu usoo saxiixay in dhulka ay iyagu leeyihiin, kadib markii uu arkay in sharciyada ay heystaan uu yahay mid sax ah sida ay inoo sheegeen.
Waxa ay masuuliyiinta dowladda federeaalka Soomaaliya ugu baaqeyn in arrintaan ay soo farageliyaan oo ay wax ka qabtaan dhul boobkaani lagu hayo.



