Wararka Risaala ay ka heleyso Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal uu dhexmaray ilaalo ka tirsan shirkado Koronto oo ku yaalla magaaladaasi.
Waxaana dagaalkaani uu u dheexayay ilaalada shirkadaha Golis iyo Eeneyo oo ah shirkado bixiya koronto kana howgalla magaalada Boosaaso.
Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in ay sabab u tahay isb qabqabsi koronto galinta magaalada oo ka dhexeeyay labada shirkadood, waxaana horay u jirtay ismaan dhaaf aan gaysan gacan ka hadal oo shirkadan dhex maray.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka Magaallada Boosaaso gudaheeda ku dhexmaray ilaalada shirkadahaasi ku dhaawacmay Afar qof oo labba kamid ahi ay ahaayeen ilaalada dagaalku dhexmaray halka labbada qof kalana ay ahayeen Shacab.
Gudoomiyaha gobolka bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ,duqa degmada Boosaaso C/salaan Bashiir C/salaan iyo Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Bari Axmed Jaraale ayaa gaaray goobtii uu dagaalku ka dhacday, waxayna xabsiga dhigeen mas,uuliyiinta labada shirkadoodo, iyo ilaada wada dagaalamay.




