Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ballaarinta wada-shaqeynta labada dowladood.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Erdoğan ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ku dhisan walaaltinimada iyo iskaashiga labada shacab, si loo gaaro danaha iyo himilooyinka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Turkiga.



