Wasiirka Amniga oo lagu wareejiyey Warbixin la xiriirta tirada Ciidamada Soomaaliya

Qiimeyn ay ku sameeyeen ciidamada Dowladda Soomaaliya koox ka socotay AMISOM ayaa lagu soo bandhigay tirada Ciidamada Dowladda soomaaliya,iyada oo lagu wareejiyey Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Warbixinta ayaa xuseysay in tirada Ciidamada Soomaaliya ay xilligaan gaarayaan ilaa 20,000 oo Askari,isla markaana xilligaan ay hanaan karaan sugida amniga guud ahaan dalka Soomaaliya.

Tirada Ciidamadaas la shaaciyey ayaa waxaa ay isugu jiraan ciidamada Dowladda Federaalka,kuwa Dowlad Goboleedyada iyo maleeshiyo beeleedyo ka qeyb qaata dagaalka lagula jirto Ururka Al-Shabaab.

Amb, Francisco Madeira oo ah Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa wasiirka Amniga Soomaaliya waxa uu ku wareejiyey warbixin ka kooban 60 bog,waxaana tirada ugu badan ciidamada hoggaaminaya Maamulka Galmudug,waxaana ku xiga dowlad Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Geba-gabadii waxaa Warbixinta lagu sheegay in dhamaan tirada Ciidamada la shaaciyey ay qabaan tababar Millateri,hayeeshee aysan wada heysan hub ku filan iyo dhar u gaar ah balse ay awoodaan ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Si kastaba 10-kii Sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa Soomaaliya loo tababarayay Ciidamo farabadan oo ka qeyb qaata sugiuda Amniga,kuwaas oo qaatay tababar isugu jira kuwa ay ku soo qaateen dalka dibadiisa iyo kuwo ay ku qaateen dalka Gudihiisa,hayeeshee weli amaanka dalka uu yahay mid aan wax iska bedelin.