Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Shir ay ka qeyb galayaan inta badan Wasiirada maamul goboleedyadda u qaabilsan Maaliyadda iyo sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadlaaya Horumarinta Arrimaha Maaliyadda.
Waxaa diirada lagu soo saaraya Mideynta Arrimaha Maaliyadda Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa horay u sheegay in la mideyn doono dhaqaalaha Soomaaliya.



