Wasiir Qarjab:”Ma aqbali doono musharixiin hub lasoo galaayo Puntland”

Wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland Cabdi Cali (Qarjab) oo warbaahinta kula hadlay gudaha Magaalada Garoowe oo ah xarunta maamulkaasi ayaa musharixiinta maaxweynenimo ee Puntland ugu digay in ay hub culus lasoo galaan maamulkaasi.

Wasiir Qarjab ayaa sheegay in musharixiinta looga baahanyahay in ay dhowraan xasiloonida Garoowe oo loo madalsanyahay in doorashada madaxweynaha maamulkaasi lagu qabto sanadka inasoo aadan ee 2019.

“Puntland waxay dagaal kula jirtaa Alshabaab iyo Daacish ciidi gacan ka geysan karta waa lasoo dhaweynayaa laakiin marnaba ma aqbali doono in maagalaa dhexdeeda  gaadiid dagaal iyo hub culus lagu dhex wado oo magaalada saxmad laga dhigo, musharixii doonaya in uu soo wato ilaaladiisa waa loo ogolyahay laakiin hub culus ma aqbali doono” ayuu sheegay Wasiirka warfaafinta Puntland.

Waxaa kale oo uu sheegay in Puntland ay masuul ka tahay amaanka musharixiinta u loolamaya xilka maaxweynaha maamulakasi.