Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Puntland oo la dhaariyey

Waxaa Maanta magaalada Garoowe caasimada maamulka Puntland lagu dhaariyey wasiir ku xigeenka wasaarada cadaalada maamulka puntland.

Madexweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee puntland Cabdi weli Maxamed Cali ayaa dhawaan magacaabay wasiirka ku xigeenka wasaarada Cadaalada Puntland.

Yuusuf Bootaan Ciise ayaa saakay loo dhaariyey xilkiisa waxaana goobta lagu dhaarinayeen goobjoog ka ahaa madexweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay.

“waxaan kugula dar-daarmayaa sida aad u dhaaratay in aad xilkaaga u gudato, lana timaadid dadaal iyo daacadnimo dheeraad ah,”ayuu yiri Eng.Camey.