Dooni ku degtay xeebaha Liibiya

Wararka laga helaayo badda u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ayaa sheegaya in dooni siday in ka badan 350 ruux muhaajiriin ah  in ay ku degtay badda mediterranean sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga.

Maraakiibta dowladda Talyaaniga ee ku sugan badda mediterranean ayaa la sheegaya in ay u gurmadeen dadka ay dhibaatado ku dhacday,ayna soo badbaadiyeen tiro yar oo ka mid ah dadkii ay doonidu la degtay.

Dowladda Talyaaniga sarkaal u hadlay ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen oo kaliya 130 qof oo ka mid ah dadkii ay doonidu la degtay ,halka aysan weli gacanta ku heyn geeri iyo nolol ku dhawaad 220 qof oo ka mid ahaa dadkii doonida quustay saarnaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya muhaajiriinta badankood ay kasoo jeedaan qaarada Afrika.

1,900 oo qof oo saarnaa 16 doon ayaa lagu guuleystay in la soo badbaadiyo maalmihii la soo dhaafay sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka badda dowladdaha talyaaniga iyo Liibiya.

Dalalka Talyaaniga iyo Liibiya ayaa ka walaacsan tirada dadka Soo galaya xeebaha dalalkooda waxay caawinaad dheeri ah ka codsadeen dalalka caalamka.