Wasaaradda Arimaha Dibadda “ma jiro doono kulan dhexmara Madaxweynaha iyo R/wasaaraha Israel”

Muqdisho-RisaalaFM- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya War-saxaadaeed ay soo saartay ayay ku sheegtay in si aan habacsanaan ku jirin uga shaqeyneyso abuuridda, cusbooneysiinta, xoojinta xiriirka iyo dana wadaaga.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya waxaa kaloo ay War-saxaafadeedka ku tilmaantay in Soomaaliya ay si guul leh uga soo banbaxday waqti tegay oo adag, ayna u gudubtay xilli cusub oo deganaansho iyo horumar ah.

xagashu waxa isku badashay oo ay u jiheysatay dhanka mustaqbal horumarineed oo aad u wacan. Sidaa darteed, waxaa muhiimad u leh Soomaaliya inay la ambaqaado howsha si wax ku ool leh dhammaan bahwadaagta si ay ku jirto awoodaha oo dhan ee la xiriira dhammaan arrimaha xiisa wadaagga leh oo ay ka mid tahay ka hortagidda argagaxisada caalamiga, dhiirigelinta horumarka dhaqaale iyo fududeynta ganacsiga.

Wasaaraddu waxay kaloo sheegtay in iyadoo Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay xilligan qiimeyneyso dhamaan bahda ay dana-wadaaga yihiin, ayna ku dadaaleyso u saldhigidda xiriiro macna leh wadamada isbaheysiga ah iyo kuwa cusub.

Waxaana uu ujeedka yahay hubinta horumarka iyo barwaaqada mustaqbalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena Wasaaraddu sheegtay in uusan jiri doonin kulan dhexmaraya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel aanu qabsoomin.