DHAGEYSO: Madaxweynaha Jubbaland “AMISOM dalka kama saari karto Shabaab”

Kismaayo-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ciidamada shisheeye ee ku sugan dalka in aysan kaligood ku filneyn in Al-shabaab laga saaro guud ahaan dalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhiso ciidamo tayo leh sidoo kalena mideysan kuwaas oo hal meel kaga soo wada jeesta ururka Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay Al-shabaab ka saari karaan guud ahaan dalka hadii ay helaan Qalab wanaagsan iyo Tababar buuxa.

Axmed Madoobe Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa sidoo waxa uu sheegay in dhowaan deegaanada uu ka taliyo maamulka Jubbaland ay ka bilaaban doonaan howlgalllo gaar ah kuwaas oo Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland.