Wasaaradda Amniga Jubbaland oo Afhayeen Cusub loo Magacaabay

 

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland Janeraal Yuusuf Cismaan (Dhuumaal) ayaa magacaabay Afhayeenka wasaaradda amniga gudaha ee Jubbaland.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda niga Jubbaland loogu Magacaabay Jaamac Axmed Cali (Joofane) oo mar kamid ahaa  bahda Warbaahinta Soomaaliyeed.